Bismillaah & Alxamdulillaah
Waa ii farxad caawa inaan idinla wadaago dhammaystirka mashruuc aan wakhti badan, fikir iyo tamar badan geliyay – Portfolio-gayga cusub! 🥳
Portfolio-gan oo markii hore ku dhisnaa React, waxaan go'aansaday inaan u wareejiyo Next.js si aan u horumariyo Performance-ga, u xoojiyo SEO-giisa, uguna beddelo mashruuc Full-Stack ah oo dhammaystiran.
Runtii howl fudud ma ahayn. Wuuxuu ahaaa safar ay ka buuxeen:
* Caqabado badan xalintood 🧠
* cillado badan saaristood 🛠️
* casharro badan raacashadood 📚
* culuum badan kasbashadood ✨
* camallo kale cidlayntood
* Agents/(AI) badan isticmaalkood
* xogo badan raadintood
* maqaallo badan akhrintood
* Wakhti badan Huridiis, iwm.
* kadib, maanta ayaan halkan soo gaaray 😅
Laakiin Alxamdulillaah, dadaal dheer kaddib maanta waxaan taaganahay halkan anigoo ku faraxsan natiijada.
Maxaa ku cusub Portfolio-ga? 🤔
Waa isku-darka Portfolio aan ku soo bandhigayo shaqooyinkayga, xirfadahayga, iwn. iyo Blog dhammaystiran. Blog-ga waxaan kusoo gudbin doonaa aqoon iyo xogo ku saabsan:
* Technology-ga & Internet-ka (Si Guud ahaaneed) 🌐
* Web Development (Gaar ahaan) 💻
Ujeedku waa in qof walba oo danaynaya uu ka faa'iidaysto.
Technology-yada aan adeegsaday: 🤓
* Next.js 15: (Full-stack Development)
* React 19 & TypeScript: (Aasaaska iyo qaab-dhismeedka)
* Tailwind CSS v4: (Styling-ka)
* GSAP & Framer Motion: (Animations soo jiidasho leh ✨)
* Three.js: (3D Models cajiib ah 🧊)
* MongoDB & Prisma: (Database-ka iyo xiriirintiisa)
* Next-Auth: (Authentication & maareynta isticmaaleyaasha 🔒)
* Tiptap Editor: (Qoraal-diyaariye casri ah)
* Pinata: (Kaydinta files-ka ☁️)
* EmailJS: (for direct communication 📧)
Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh.
Aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aad soo tijaabiso oo aad ila wadaagto aragtidaada iyo talooyinkaaga. Fikirkaagu waa ii muhiim! 👇
🔗 Link-ga Portfolio-ga: https://hobaydi.vercel.app
Mahadsanid! 😊