Muhiimadda Naqshadaynta Nidaamka (System Architecture)
Maqaalkan waxaan kasoo xigannay khabiirka lagu magacaabo Ammar Jasim (عمار جاسم), kaas oo asalkiisu ku qornaa af-Carabi. Waxa uu si qoto dheer u falanqaynayaa sababta AI keliya aysan u dhisi karin codsi weyn oo lagu kalsoonaan karo.
Suurtagal maaha in la dhiso barnaamij (app) ama degel internet adiga oo isticmaalaya qalabka AI oo keliya, xataa haddii aad tahay barnaamij-sameye (programmer). Sababtoo ah xataa haddii aad fahamsan tahay koodka (code), taasi kuma filna, waayo-aragnimadaada farsamo ee koobanna ma dabooli karto baahiyaha nidaam weyn.
Waxaan rabaa inaad si fiican u fahamto bartaas: Ha i tusin xiriiriyaha (links) bogag lagu dhisay kaliya dhowr 'prompts'. Waxaan halkan kaga hadlaynaa codsi (application) leh adkaan dhab ah, kaas oo qaadi kara kumanaan isticmaale, ilaalin kara xogtooda, loona qaabayn karo inuu koro (scalable). Tani waxay u baahan tahay qof fahamsan waxa uu dhisayo, xataa haddii uu isticmaalayo qalabka AI.
Cawaaqibta Qorshe La'aanta
Haddii uusan jirin qorshe cad iyo naqshadayn qaabdhismeedka nidaamka (System Architecture) oo ku dhisan fahamka baahiyaha iyo socodka xogta (data flow) bilowga hore, ma dhismi karo wax tayo leh. Waxaad gaari doontaa heer aad rabto inaad ku darto sifo (feature) cusub ama aad horumariso qayb ka mid ah nidaamka, ka dibna waxaad la kulmi doontaa isku-darsan iyo habsaami la'aan kugu qasbeysa inaad wax walba bilowga ka bilowdo. Mar labaad ayaad isla meeshii ku laaban doontaa haddii aadan markii hore fahmin sida nidaamkan loo dhiso.
Tusaale Dhab Ah: Shirkad Cusub (Startup)
Tusaale dhab ah oo ku dhacay saaxiibkay: Shirkad cusub ayaa furtay madal lagu ballansado adeegyada (booking platform). Si degdeg ah ayay xog kasta ugu keydiyeen hal miis (table) oo keliya: Macmiilka + Adeegga + Qiimaha + Heerka (Status).
- Markii ay gaareen 10-kii kun ee isticmaale ee ugu horreeyay, waxay ogaadeen in qiimaha loo keydiyay si aan nidaamsanayn. Markii ay beddeleen qiimaha adeegga, waxaa isbeddelay biillashii hore ee macaamiisha!
- Kadib waxaa soo baxday dhibaatada aqoonsiga (Identity issue). Ma jirin kala sooc u dhexeeya macmiilka iyo xogtiisa, sidaas darteed hal macmiil ayaa dhowr jeer ku soo laalaabtay diiwaannada, ballamihiina way lumeen.
- Markii lagu daray sifada baajinta iyo lacag celinta (refund), waxay ogaadeen inuusan jirin miis u gaar ah lacag bixinta, ma jirin
transaction_id, loomana raadin karin xaaladaha lacag celinta. - Waxay awoodi waayeen inay isku waafajiyaan dalabaadka iyo hawlgallada lacag bixinta, mana aysan garanayn sababta khaladaadku u dhacayaan.
- Markii culeysku batay, madashu waxay noqotay mid aad u gaabisa (slow) sababtoo ah waxay ku tiirsanaayeen qoraallo (strings) halkii ay isticmaali lahaayeen aqoonsiyo (IDs), mana jirin 'Indexes'. Nidaamkii wuu dumi jiray xilliyada saxmadda.
Ugu dambeyntii, waxay ku qasbaadeen inay dib u qaabeeyaan wax kasta: miisas kala duwan, xiriirro cad (relationships), Unique/Indexes, iyo in la keydiyo 'Snapshot' qiimaha gudaha dalabka.
Gunaanad
Sababtaas awgeed, xataa haddii aad tahay barnaamij-sameye (programmer), haddii aadan lahayn faham iyo aragti cad oo ku aaddan dhisidda mashruuca iyo faham qoto dheer oo ku saabsan System Architecture, hubaal waad fashilmi doontaa. AI waa qalab, laakiin maskaxda iyo naqshadaynta adiga ayaa lagaa rabaa.