ma tahay dadka sida Joogtada ah Youtube wax uga barta?
ma qaadataa koorsooyin dhaadher oo Playlist-yo ah? oo 10naan muuqaal ka kooban.
mararka qaar ma isku daydaa inaad ogaato iskudarka wakhtiga muuqaalada playlist-ga ku jira, si aad u ogaato ama u cabirto wakhtiga ay kugu qaadan karto dhamaynta kooraska.
ma isku daydaa mararka qaar inaan si xisaab ah isugu dardarto daqiiqadaha muuqaalada playlist-ga oo dhan si aad tirada guud ee wakhtiga playlist-ga ula soo baxdo?
hhh, hadaba arimahaas oo dhan waa kuwo aniga igu dhici jiray. waana sababta aan u sameeyay toolkan yar.
kaliya waxaad soo copy garaynaysaa link-ga Playlist-ga. waxaadna ku past garaynaysaa website-keenna https://playlist-len.hobaydi.com/
isaga ayaa kuu xisaabinaya isu gaynta daqiiqadaha Playlist-ga, Tirada muuqaalada, xiliga muuqaalkii u horeeyay iyo kii u danbeeyay lasoo dhigay. iyo average-ka muuqaalada.
intaa kaliya maaha, waxaa cayimi kartaa Qayb kamida muuqaalada Playlist-ga. si iyaga kaliya loo xisaabiyo.
Tusaale: waxaad daawanaysaa Koorso Playlist ku saabsan Nextjs oo 180 video ah.
waxaadna ka daawatay ilaa 35 video. hadaba si aad u ogaato totalka muuqaalada aad soo daawatay waxaad cayimaysaa in laguu xisaabiyo min laga soo bilaabo muuqaalka 1aad ilaa muuqaalka 35aad.
sidaas ayaadna ku helaysaa wakhtiga aad soo daawatay Playlist-ga iyo inta hadda kuu dhiman.
Tijaabo wacan
Loading...
wax yar sug...