Hordhac: Saddexda Tiir ee Tiknoolajiyada
Dunida tiknoolajiyadu waa bad weyn, qof kasta oo raba inuu ku biirana wuxuu inta badan is weydiiyaa: "Xaggee ka bilaabaa?". Ma Programming-ka, Networking-ka, mise Cyber Security-ga? In kasta oo ay dhamaantood isku xidhan yihiin, haddana mid kastaa wuxuu leeyahay hawl gaar ah iyo xirfado u gooni ah.
Maqaalkan, waxaynu ku eegi doonaa farqiga u dhexeeya saddexdan barxadood annagoo isticmaalaya tusaale nololeed si aad si fudud ugu fahanto jihada ku qabata.
1. Programming (Dhisidda iyo Abuurista)
Programming waa habka loo qoro amarro ama tilmaamo u sheegaya kombuyuutarka waxa uu qabanayo. Haddii aan tusaale u soo qaadano dhismaha guri, programmer-ku waa qofka dhisaya guriga, naqshadaynaya qolalka, iyo rakibaya albaabada iyo daaqadaha.
- Maxaa la qabtaa? Waxaad dhisaysaa Apps, Websites, iyo Systems.
- Waa maxay qalabka la isticmaalo? Luuqadaha sida Python, JavaScript, Java, iyo C++.
- Yuu ku habboon yahay? Dadka jecel inay wax cusub abuuraan (Creativity) iyo kuwa dhibaatada xalin kara (Problem Solving).
```javascript
// Tusaale yar oo JavaScript ah
function salaan(magaca) {
console.log("Ku soo dhawaada dunida Programming-ka, " + magaca);
}
salaan("Dev Somali");
```
2. Networking (Isku-xidhka iyo Xidhiidhka)
Haddii programmer-ku uu dhisay guriga, Networking waa waddooyinka isku xidha gurigaas iyo dunida kale. Networking-ku waa barashada sida aaladaha (sidad kombuyuutarrada, telefoonada, iyo server-yada) ay xogta isu weydaarsadaan.
- Maxaa la qabtaa? Waxaad qaabaynaysaa (Configure) Router-yada, Switches-ka, iyo Cloud servers-ka si internet-ku u shaqeeyo.
- Waa maxay qalabka la isticmaalo? Cisco, Juniper, Cloud Platform-yada (AWS, Azure), iyo borotokoollada sida TCP/IP iyo DNS.
- Yuu ku habboon yahay? Dadka jecel inay fahmaan sida xogtu u socoto iyo sida ay u wada hadlaan aalado kala duwani.
3. Cyber Security (Ilaalinta iyo Gaashaanka)
Marka guri la dhisay (Programming) oo la xidhay biyo iyo koronto (Networking), waxaa loo baahan yahay in laga ilaaliyo tuugta. Halkan ayay soo gashaa Cyber Security. Waa barashada sidii loo ilaalin lahaa xogta, computer-yada, iyo network-yada loogana difaaci lahaa weerarada (Cyber attacks).


