Sirta Horumarka: Maxaad ugu Baahantahay Documentation halkii aad ka daawan lahayd YouTube?
Maalin ayaan la fadhiistay mid ka mid ah saaxiibaday oo ah Developer aad u xirfad badan. Waxaan dareemay wax layaab leh intii uu ku guda jiray dhismaha "Feature" aad u adag: marnaba ma uusan furin YouTube, mana uusan raadinayn koorsooyin cusub oo "Update" ah. Waxa kaliya ee uu dhinac dhigtay waxay ahayd bog ay ku qoran yihiin ereyo farsamo oo badan.. waa Documentation-ka rasmiga ah.
Waxaan weydiiyey isagoo aad u xiisaynaya: "Saaxiib, waxaan arkaa inaad hawsha ku dhameynayso kala badh waqtiga ay dadka kale qaataan. Markasta oo aan wax ku weydiiyona waxaad igu tiraahdaa 'Docs-ka ayaa saas leh'.. Sideed wax u barataa? Sideese u akhridaa qoraalkan caajiska ah ee aad nuxurka ugala soo baxdaa?"
Wuu qoslay wuxuuna igu yiri weedh gabi ahaanba beddeshay fekerkaygii: "Fiiri, casharrada YouTube-ka (Tutorials) waxay la mid yihiin cunto diyaarsan (Ready-made food) oo qof kale kuu kariyey isagoo raacaya dhadhankiisa. Laakiin Documentation-ku waa bakhaarka ay ku jiraan dhammaan waxyaabaha 'Fresh-ka' ah ee cuntada lagu karsado."
Qofka ku tiirsan waxa diyaar u ah wuxuu had iyo jeer ku xirnaan doonaa dhadhanka qofkii u kariyey, laakiin qofka yaqaanna sida loo akhriyo Documentation-ka wuxuu awoodaa inuu karsado wax kasta, xilli kasta.
3 Talo oo Dahabi ah si aad uga gudubto cabsida Documentation-ka
Si aad u noqoto Developer madax-bannaan oo xirfad leh, raac talooyinkan uu saaxiibkay ila wadaagay:
1. Ha u akhrin Documentation-ka sidii sheeko (Novel)
Documentation-ku waa tixraac (Reference) ee ma aha buug loogu talagalay akhriska caadiga ah. Ku billow qaybta Quick Start si aad u fahanto fikradda guud, ka dibna u gudub qaybta API Reference marka aad u baahato macluumaad gaar ah oo ku saabsan shaqo cayiman.
2. Search-ka waa saaxiibkaaga koowaad
Isticmaal bar-ka raadinta (Search bar) ee ku dhex jira mareegta rasmiga ah. Baro sida loo raadiyo erey-bixinada saxda ah (Keywords). Documentation-ka waxaad markasta ka dhex helaysaa Best Practices (hababka ugu wanaagsan) oo laga yaabo in macalinka YouTube-ka uu iloobo ama uu isticmaalayo nuqul (version) hore oo dhacay.
3. Dhaqangali inta aad akhrinayso (Code Sandbox)
Documentation-ka waxaa had iyo jeer ku jira tusaalooyin koodh ah (Code Snippets). Ha ku eegin ishaada kaliya; qaado koodhka, tijaabi, beddel "Props-ka", oo arag qaladka (Error) uu ku siinayo. Tani waa xilliga ay macluumaadku dhab ahaan maskaxdaada ku xarmanayaan.
// Tusaale: Markaad akhrinayso Docs-ka React
// Ha eegin kaliya, isku day inaad beddesho state-ka
const [count, setCount] = useState(0);
// Maxaa dhacaya haddii aan sidan u qoro?
// Tijaabi si aad u fahanto nuxurka Docs-ka.
setCount(prev => prev + 1);
Gabagabo: Noqo Developer Madax-bannaan
Hadafku ma aha inaad qof weydiisid su'aal kasta, laakiin hadafku waa inaad haysato furaha kuu oggolaanaya inaad barato tignoolajiyad kasta oo cusub muddo toddobaad gudihiis ah, sababtoo ah waxaad hadda taqaannaa sida loo akhriyo "Isha rasmiga ah ee xogta" (The Source of Truth).
YouTube-ku waa u fiican yahay bilowga, laaki ni Documentation-ka ayaa sameeya Developer-ka xariifka ah ee dhabta ah.
F.G: Maqaalkan waxaa laga soo turjumay qoraal horey ugu qornaa Af-Carabi, si ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhex jirta dunida Tech-ka uga faa'iidaystaan.